Barcelona Vs Atletico Madrid

Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Atletico Madrid kulan xiiso iyo xamaasad leh oo ka dhici doona garoonka Camp Nou kana tirsan todobaadkii 33-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ay ka go’antahay in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay bar-baro galeen kulankii hore Fursadna siiyeen Real Madrid.

Sido kale Atletico Madrid ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii fiicneeyaan rajadooda u dagaalanka boosaska champions League iyo waliba in ay gabi ahaan dilaan rajada Barcelona ee difaacashada horyaalka La Liga.

Kulanka: Barcelona Vs Atletico Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Atletico Madrid ayaa Barcelona ku garaacday 3/2 kulan ka dhacay Camp Nou bishii Jnauary kana tirsanaa Tartanka Copa Del Rey ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin tan ilaa markii ugu horaysay ee sanadka 2006 gushaas ayaa ahayd midii kaliya ee ay Atletico Madrid ka gaadhay Barcelona tartamada oo dhan iyada oo joogta Camp Nou.

Barcelona ayaan guuldaro kala kulmin 19 kulan oo xidhiidh ah oo horyaalka La Liga ah oo ayna garoonkeeda kula kulmin Atletico Madrid 13 guul iyo 6 bar-baro ayay gaadhay.

Kaliya 3 kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan iyo garoomada oo dhan ayaa laga dhaliyay wax ka badan 2 gool halka Camp Nou laga dhaliyay 4 gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *