Arsenal oo heshay badalka Pierre-Emerick Aubameyang.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxda Arsena isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa badalka weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda Arsenal suuqa xagaaga.

Sida uu sheegay wargayska Express Sports kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa Weeraryahanka kooxda Wolfsburg ee Wout Weghorst.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddiga 27 jirka ah uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay 2-dii sano ee uu joogay kooxda Wolfsburg isaga oo dhaliyay 33 gool 66 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Bundesliga.

Xiddiga soo jiitay indhaha tababare Mikel Arteta ayaa lagu heli karaa kaliya lacag dhan 32 milyan oo euro waana lacag ay Arsenal bixin karto.

Arteta ayaa u arka xiddiga Wout Weghorst xiddig buuxin kara booska uu baneeyo xiddiga 32 jirka ah ee Pierre-Emerick Aubameyang hadii uu ka tago kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *