Garoonka kubabdda cagta ee Muqdisho oo dib loo furay kaddib muddo 16 sano ah.

Waayihiin mugddiga ahaa ee garoonka kubabdda cagta Muqdisho ayaa soo dhamaaday, waxaana rumoobaya riyooyinkii mudada dheer soo jiray marka uu garoonku marti geliyo cayaartii ugu horeysay muddo 16 saanadood ah maalinta talaadada ah ee inasoo aadan.

Naadiyada MCC iyo Horseed SC ayaa ku loollami doona cayaarta dib u furitaanka garoonka oo dhici doonta maalinta talaadada ah ee inasoo aadan oo bisha June tahay 30. Labada koox ayaa hada kaalimaha hore kaga jira horyaalka SPL waxaana xiriirku go’aamiyay in labadoodu dheelaan cayaarta ugu horeysa maadama ay horyaalka ugu sareeyaan hada socda.

Waxaa loo dhigi doonaa koob hal maalin ah oo ujeedadiisu tahay in lagu maamuuso dib u howl-gelinta garoonka Muqdisho oo ah hoyga xulka qaranka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *