120 Kiis oo Cudurka Corona virus-ka ah oo Maanta Kenya laga helay

Wasaarada Caafimaadka ee dalka aya sheegtay in 24-kii saac ee laso dhafay dalka laga helay 120 kiis oo ah cudurka Corona virus-ka kadib markii 2221 ruux laga baaray cudurkasi taasi oo tirada guud ee dadka uu ku dhacay Cudurkasi ka dhigeysa 6190.

Xooghaya maamulka ee wasaarada Caafimaadka ee dalka Dr. Rashid Aman,aya sheegay in Tirada guud ee dadka ka boogsooday cudurkaasi ay gaartay 2013 ruux kadib markii 42 ruux oo horleh ay cudurkasi ka bogsooden

Dr Amaan aya sido kale sheegay in 24-kii saac ee laso dhafay uu hal ruux uu dhintay Cudurkasi taasi oo tirada guud ee dadka uu dhintay cudurkasi ka dhigeysa 144 ruux.

Xooghaya maamulka ee wasaarada Caafimaadka ee dalka Dr. Rashid Aman,aya sheegay ay jiraan dadaalo lagu raadinaayo talaalka Cudurka corona virus-ka guud ahaan caalamka.

Dr Aman aya sheegay in 115 kamid ah bukaanada cusub ay kenyaan yihiin halka shanta ay ajaanib yihiin.

Kountiga Nairobi aya laga helay kisaaska ugu badan ee cudurka iyaada oo 67 kiis laga helay halka Mombasa laga helay 17 kiis iyaada oo kajaido-na laga helay 9 kiis.

Kountiga Kiambu aya laga helay 8 kiis halka kountiga uasin Gishu laga helay 6 kiis iyaada oo kountiyada narok iyo nakuru laga helay min 2 kiis.

Xooghaya maamulka ee Wasaarada Caafimaadka aya sheegtay in 84 kamid ah bukaanada ay rag yihiin halka 36 kalena ay dumar yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *