Aqalka senetka oo dhaqan galiyay isbadalaadii lagu sameyay guddiyada aqalkasi.

Aqalka senetaka aya buuxiyay jagooyinka guddiyada senetka  ee laga  qaaday qaar kamid ah senetarada bishii hoore.

Senatorka kountiga  Embu ayaa sii haynayna  jagada gudoomiyaha guddiga senetka ee   beeraha waxaana gudoomiye kuxugeen uu noqon doona senetarka kountiga Kutui Enock Wambua.

Jagadaasi aya waxaa markii hoore hayay senetarka kountiga Samburu Stephen Lelegwe.

Guddiga Senetak ee Dowladd wadaajinta  aya waxaa guddomiye uu noqon doona senetaarka kountiga Homa Bay Moses Kajwang  waxaana guddomiye kuxugen uu noqon doona senetaarka kountiga Lamu Anuar Oletiptip.

Senatarka qaabka magacaabista kuso gashay aqalka senetak  Dr. Alice Milgo ayaa hadda gudoomin doonta guddiga joogtada ah ee senate-ka ee dhanka Waxbarashada waxaana guddomiye kuxugen uu noqon doona Dr. Agnes Zani.

Senetaarka kountiga Nyeri aya sii hayn doona xilka Guddomiyaha guddiga Tamaarta ee Senetka .

Senetaarka kountiga Kisii Okongo Mogeni  ayaa noqon doona guddomiyaha Gudiga Cadaalada, Arimaha Sharciga iyo Xuquuqul Insaanka waxaana guddomiye kuxugeen uu noqon doona senetaarka qaabka Magacaabista kuso gasha aqalka senetaka Naomi Waqo.

Xilkaasi aya waxaa markii hoore hayay senetaarka kountiga Nandi Samson Cherkey waxaana guddomiye kuxugen uu ahaa senetaarka kountiga Meru Mithika Linturi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *