Eugene Wamalwa oo Afka furtay

Wasiirka dowlad wadaajinta ee dalka Eugene Wamalwa aya gudiga farsamada xiriirka dowladaha kountiyada iyo dowladda dhexe ee uu xilkooda dhamaaday ku amaanay shaqada wanagsan ee ay qabteen Muddadii ay xilkasi hayeen.

Wasiirka Dowlad wadaajinta ee dalka aya sheegay in guddigasi ay ka shaqeyeen xariirka wanagsan ee hadda ka dhaxeya kountiyada iyo dowlada dhexe .

Wasiirka ayaa  gudiga Cusub ee farsamada xiriirka dowladaha kountiyada iyo dowladda dhexe ugu baaqay in ay shaqada halkasi kasii wadaan isla markana ka shaqeeyan sidii dowladda dhexe iyo dowladdaha kountiyada ay markasta isku kashan lahayen.

Wasiirka ayaa sheegay in guddiga Cusub ay xilkasi qabanayaan xili dalka uu maraayo marxalad adag oo uu sababay cudurka corona Virus-ka.

Wasiirka dowlad wadaajinta ee dalka Eugene Wamalwa aya sheegay in guddigan cusub looga fadhiyo in ay ka shaqeeyan sidii dowladda dhexe iyo dowladdaha kountiyada ay iskaga kaashan lahaayen xakameynta cudurka corona virus-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *