Maxkamada sare oo amartay in la joojiyo mooshinka xilka looga qaadaya barsaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu.

Maxkamada sare ee dalka ayaa soo saarte amar ah in Xildhibanada aqalka hoose ee ismaamulka Kitui ay joojiyaan qorshaha ay xilka uga qaadi rabaan Gavanaha kountigaasi Charity Ngilu.

Arrintan ayaa kadambeysay kadib markii ay qareenada gavanaha kountigasi oo kala ah Morris Kimuli iyo  Martin Oloo ay 24-ki bishan maxkamada hor geeyen codsi ah in la hakiyo mooshinka xilka ka qaadista ee ay xildhibanada wadaan.

Mooshinka xilka looga qaadayo gavanaha ismaamulka kitui aya waxaa isbuucii aynu soo dhaafnay aqalka horgeyay xildhibaanka deeganka hoose Athi Ward ahna hoogaamiyaha aqlabiyada aqalka aqalka hoose ee kountigasi Peter Kilonzo.

Xildhibanada aqalka hoose ee kountigasi ayaa sheegaya in waxyabaha ay xilka uga qaadi rabaan barasaabka ay kamid tahay in ay ku xadgudubtay  sharciga Ismaamulada kadib markii ay ku guul dareysatayin ay hortagto aqalka senedka.

Qareenada gavanaha oo shalay saxaafada kula hadlayay ismaamulka Kitui  aya sheegay in Xildhibaankii isku daya in Mooshinkasi uu horgeeyo aqalka Xabsiga loo taxaabi doono maadama uu amar maxkamadeed jabinaayo

Xildhibaanka deeganka Athi Ward Peter Kilonzo oo Moshiinkasi soo diyaariyay  aya sheegay in uu sii wadi doono Mooshinkasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *