Inter Milan oo gacan haadineyso Sergio Aguero.

Inter Milan ayaa damacsan in hishiis is weydaarsi ay la sameyso Man City inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Inter ayaa isha ku haysa weeraryahanka City ee Aguero kaasi oo uu hsihiiskiisa uu dhacayo xagaaga 2021-ka

Arintaan ayaa imaaneysa xilli suuqa ay ku jirto sheeko ah in Aguero uu doonayo in City uu ka tago xagaagaan sababo la xariira ganaaxa City laga saaray ka qeyb galka Champion-ka

Sidaas oo ay tahay City ayaa dooneysa in ay racfaan ka qaataan ganaxaas todobaadka ugu horeeya ee bisha July

Clacio Mercato ayaa sheegeysa in Inter ay xariir toos ah la sameeyeen Aguero iyo wakiilkiisa si loogu qanciyo in uu u soo wareego.

Inter waxa ay diyaar u tahay hishiis is weydaarsi , iyaga oo dhankooda City u diraya daafacooda Milan Škriniar

Waxaa xusid muydan in City dhankooda ay u doonayaan daafac waliba marar badan ay muujiyeen rabitaanooda ku aadan Milan Škriniar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *