Real Madrid oo hoggamineyso horyaalka La Liga iyo cabsi xooggan oo ay ka qabto kooxda Barcelona.

Naadiga ee hoggamiyo Zinadine Zidane ee Real Madrid ayaa xalay guul muhiim ah waxa ay ka gaareen Espanyol iyaga oo laba dhibic hogaanka ku qabtay inkastoo tababare Zidane uu aamisan yahay in horyaalka weli aysan u janjeersan dhankooda

Wargeyska Marca ayuu Zidane ka yiri ” loolanka horyaalka miyuu soo dhamaaday” maya uma arko in aan horyaalka xaqiijisannay”

” Weli waa uu furan yahay maalinta ugu dambeysa ayuu la oganaayaa , La Ligaha waa ay adag tahay in la ogaado kooxda qaadeysa” ayuu yiri Zidane .

“Waxaa naga go`an in aan habkaan ku sii socono , weli lix kullan ayaa harsan”

Real ayaa haatan leh 71 dhibic waxa ayna ka faa`ideysteen bar bar dhicii Barcelona ee Celta Vigo

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *