Dalka Pakistan oo laga helay 3557 kiis oo cudurka Corona.

Dalka Pakistan ayaa wararka ka soo baxaya  waxay sheegayaan in maanta oo isniin ah  laga helay  gudaha dalkaasi 3557 qof oo qaban cudurka Corona

Dalka Pakistan ayaa sida oo kale sheegtay in 49 qof oo dheeraad ah dhinteen

Dalka Pakistan ayaa sheegtay in tirida guud ee bukaanada cudurka Corona ay gaartay  206,512-xaaladod, taasoo dalkaasi ka dhigtay wadanka 12-aad adduunka oo dhan marka laga hadlayo kiisaska covid-19.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, tiradaasi waxay muujisay hoos u dhac ku dhawaad 3,000 oo ah rikoorkii ugu sarreeyay oo ahaa 6,895-kiis.

Caasimada dalka ee Islamabad oo malaayiin ruux ku noolyihiin ayaa hadda waaa ay la ciirciireysaa xaalada isbiirsaday, iyadoo dowladda Pakistaan sheegtay in wax isbadal ah samayn doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *