Real Madrid oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Espanyol .

 

Naadiga Real Madrid ayaa guul ka soo heshay kooxda Espanyol oo ay ku booqatay garoonka RCDE Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Galinkii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Markii ay cayaarta amareysay daqiiqadii 45-aad kooxda Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga qadka dhexe ee reer Brazil Casemiro, kaddib markii uu  goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Galinkii dambe ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Si kastaba, ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay Real Madrid kaga soo adkaatay Espanyol oo ay ku booqatay garoonka RCDE Stadium, Los Blancos ayaana haatan hogaanka La Liga kaga qabatay kooxda ku soo xigta ee Barcelona 2 dhibcood nadiif ah.

Real Madrid news: The match between Real Madrid and Espanyol ...Benzema delivers again as Real beat Espanyol; Atletico held ...Espanyol vs Real Madrid preview: Barcelona draw hands Los Blancos ...Club Brugge vs Real Madrid Preview: Where to Watch, Live Stream ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *