30 sano kaddib Liverpool oo ku guuleysatay horyaalka EPL.

Sodon sano ka dibĀ  Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u noqotay Kooxda ku guulaystay Horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2019/2020 kadib guul darradii duusha loo saaray kooxda Man City ee Xaleyto .

Liverpool ayaa ku guulaystay horyaalka kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay dhamaan ka wada fiicnayd kooxaha 19-ka ah ee ka ciyaara horyaalka Premier League.

Reds ayaa haatan 23 dhibcood oo buuxa ka horaysa kooxda Man City iyada oo 6 kulan ka hadheen dhamaadka xilli ciyaareedka 2019/2020

Liverpool ayaa u dabaal dagaysa horyaalkeedii ugu horeeyay muddo 30 sano ah kadib markii ay horyaalka ku guulaystay markii ugu dambaysay 1991-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *