Dowladda dhexe oo sheegtay in maanta 254 qof laga helay cudurka Corona .

Dowladda dhexe ee dalka ayaa  waxay sheegtay  in 254 qof oo dheeraad  ah  laga helay cudurka Corona 24-kii sacadood ee la soo dhaafay  taasi oo tirida guud ka dhigeysa 5206 qof .

Dowladda ayaa sida oo kale sheegtay in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay cudurka Corona laga baaray dadka gaaraya 4859 qof .

Xoghayaha maamulka waasaradda caafimaadka ee dalka  Dr. Mercy Mwangangi ayaa waxay sheegtay in bukaanadani Cusub  ay dhamaan yihin kenyan  oo kala ah 186 qof oo rag ah iyo 68 qof oo dumar ah .

Xoghayaha maamulka waasaradda caafimaadka ee dalka  Dr. Mercy Mwangangi oo kenyanka uu soo bandhigay warbixinta maalinlaha ee Cudurka COVID-19 ayaa sida oo kale sheegtay in 41 qof oo bukaan ah ay ka soo kabsadeen cudurka Corona  taasi oo tirida  guud ka dhigeysa 1823 qof .

Labo qof oo dheeraad ah ayaa uu dhinteen cudurka Corona  taasi oo tirada guud dhimashada ka  dhigeysa 130 qof .

Kiisaska cusub ee cudurka COVID-19ka ee maanta la helay  ayaa waxaa hoggaminaya countiga nayroobi oo gaareysa 2,428 qof , waxaa ku sii xiga countiga Mombasa  oo gaareysa 1,308 qof , Countiga Busia ayaa kiisas cudurka COVID waxay marayaan 361 qof 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *