Wasirkii hore ee wasaaradda beeraha ee dalka Mwangi Kiunjuri oo manta xariga ka jaray xisbi siyaasadeed oo cusub (TSP).

Wasirkii hore ee wasaaradda beeraha ee dalka  Mwangi Kiunjuri ayaa manta xariga ka jaray  xisbi Cusub  oo loogu magacaabo  The Service Party of Kenya (TSP) 

Wasirkii hore ee wasaaradda beeraha ee dalka  Mwangi Kiunjuri  ayaa sheegay in xibsigani Cusub ee Service Party  uu u adeegsan doono doroshada guud ee inagu soo adaan 2022-ka.

Mr  Mwangi Kiunjuri  oo xariga ka jaray xisbigani Cusub ayaa sheegay  in xisbyada siyaasadeed  loo sameeyo  in ay  dhisaan dowlad ama ay saameyn ku yeeshaan go’aannada dowladda.

 

Mr  Mwangi Kiunjuri  ayaa sida oo kale sheegay in xisbigiisana cusub ee The Service party uu yahay mid  uu adeegaya kenyanka .

Wasirkii hore ee wasaaradda beeraha ee dalka  Mwangi Kiunjuri  ayaa ugu baaqay siyaasinta ee dalka in ay uu adeegaan shacabka soo doortay islamarkaasina ay wax ka qabtaan saboolnimada , shaqa la’aanta  iyo caqabadooyinka kale ee haysta kenyanka .

Mr Mwangi Kiunjuri  ayaa  sheegay in Xisbiga TSP   uu aaminsan yahay in dalka uu wax weyn ka badalmi doonto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *