10 Bukaan oo Maanta uu dhintay Cudurka Covid-19 guddaha dalkani Kenya

Wasaarada caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saac ee laso dhaafay dalka laga helay 194 kiis oo kusabsan Cudurka covid-19 kadib Markii cudurkaasi laga baaray 3,935 ruux taasi oo tirada guud ee dadka uu cudurka ku dhacay ka dhigeysa 104,500  oo ruux.

Wasiirka caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in 146 kamid ah bukaanada ay Kenyan yihiin halka 48-da kalena ay ajanib yihiin.

Kagwe ayaa sheegay in bukaanka ugu da’da yar uu yahay 6 sano jir halka Midka ugu da’da weyn uu yahay 95 kiis.

Niarobi ayaa laga helay kisaska ugu badan iyada oo 132 kiis laga helay, Kiambu 9, Meru 7, Kisumu6, Kilifi 6, Laikipia 5, Mombasa 4, Kajiado 4, Nakuru, Turkana ,  Uasin Gishu , Machakos recorded 3 cases each, with Lamu, Muranga, Nandi, Taita Taveta, Trans Nzoia, Busia iyo  Embu ayaa Min 1 kiis laga helay.

Wasiirka caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in 39 bukaan oo horlah ay kaso bogsooden cudurka iyada oo 3 bukaan ay Cisbitaalada kujireen halka 36 –da kalena ay xaafadaha joogen.

Tirada guud ee dadka Cudurka ka bogsooday ayaa gaartay 85,665 ruux.

Wasaarada caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 10 bukaan oo horleh oo ay uu dhinteen cudurka 24-kii saac ee laso dhaafay taasi oo tirada guud ee dadka cudurka uu dhintay ka dhigeysa 1,837 ruux.

Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in 344 bukaan ay iminka kijiran Cisbitalada halka 1283 guryaha lagu xanaanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *