Kooxda Arsenal oo ka hadashay Hector Bellerin .

Naadiga  Arsenal ayaa la sheegaya in ay   suuqa u gali doonta badalka xiddiga Hector Bellerin kaas oo ka fikiraya in uu isaga tago kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Arsenal ayaa xiddigaha Premeir League ka ciyaara ee Max Aarons iyo Tariq Lamptey u calaamadsatay badalka mustaqbalka ee Hector Bellerin.

Inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaarayay kooxda Arsenal tan ilaa sanadkii 2014 hadana Hictor Bellerin ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Gunners.

Kooxaha PSG iyo Barcelona ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo xiddiga Hector Bellerin kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *