Dowladda Soomaliya oo ka hadashay dibadbaxyada ay sameynayaan midowga musharaxiinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya,

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo manta  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in   aysan ogolaa doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho

Waxa uu sheegay in dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isusoo baxyada iyo kulamada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidaas ahaan doono.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaa doonin inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *