Bayern Munich oo wadahadalo la furtay kooxda chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga Christian Pulisic.

Naadiga  Bayern Munich ayaa la soo sheegaya  in ay wadahadalo la furtay kooxda chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga Christian Pulisic Si ay ugu badalaan xiddiga Kingsley Coman.

Kingsley Coman ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United xilli Red Devils isku diyaarinayso in ay xagaaga dalab ka gudbiso xiddiga reer France.

Heshiiska Kingsley Coman ee Bayern Munich ayaa dhici doona xagagaa 2023 waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Haatan kooxda Bayern Munich ayaa u dhaqaaqaya saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Christian Pulisic Si ay ugu badalaan xiddiga reer France.

Xiddiga Christian Pulisic ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo tan ilaa markii uu soo biiray chelsea waxana uu haatan u muuqdaa mid aan ku jirin qorshaha tababare Thomas Tuchel.

Wargayska TodoFichajes ayaa sheegaya in ay Bayern Munich haatanba wadahadalo la furtay chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga Pulisic inta lagu jiro xagaagan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *