Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho .
Magaalada Muqdishso ayaa wararka ka soo baxaya waxay sheegayaan in taliyaha ciidanka booliska ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banadir uu ku dhawacmay qarax ka dhacay saldhigga booliska ee degmadaasi sida ay u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xamarweyne
Cidamada ayaa waxay sheegeen in qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa uu goor dhow isku qarxiyay Saldhigga Booliska ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.
Cidamada ayaa isku dayey in ninkani ay qabtaan balse waxaa la sheegay in uu ku tuuray jaakad ay qaraxyo ku xirnaayeen, waxa ayna dhaawacyo ka soo gaareen ciidan, taliyaha Saldhigga iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Ciidanka ayaa qabtay ruuxii damacsanaa in uu isku qarxiyo Saldhigga booliska ee jaakadii Qaraxa ka cararay.
Ciidamada ammaanka aya baaritaano ka wado goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona gabi ahaanba xiray halka uu qaraxa ka dhacay