Weerar ka dhacay koonfur-bari dalka liibiya.

Ciidamada Amaanka Liibaya ayaa  la soo sheegay in ay manta  weerar qarsoodi ah ay ku qaadeen xabsi qarsoodi ah oo ku yaala koonfur-bari dalkaaasi liibiya ayaa ku guuleystay in badbaadiyaan 156 ruux oo ay 15-ka mid ah yihiin haweenka .

Weerarkani oo ka dhacay  magaalada Kufra ayaa la soo sheegaya in ay  dhacdo  16-kii Febraayo kadib markii mid ka mid ah tahribyaasha uu xabsiga ka baxsaday isbuucii lasoo dhaafay iyadoo loo wareejinayo goob kale oo la doonayay in la xiro .

Qofkaan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ka dib wareysi ay la yeesheen iyo sidoo kale baaritaanno dheeraad ah ay ku sameeyeen axadii lasoo dhaafay .

Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa qabtay ugu yaraan lix tahriibiyaal kale waxaana loo gudbiyay dacwad oogayaasha hase ahaatee mas’uuliyiinta Liibiya waxay sheegeen inay weerareen xabsi qarsoodi ah tahriibyaasha magaalo ku taal koonfur-bari oo ay isticmaali jireen kooxaha ka shaqeeya arrimaha tahriibkan iyadoo muhaajiriinta ay dhibaatooyin farabadan kala kulmi jireen.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Suudaan waxaana la dejiyay goobo amaan ah waxaana la siiyay raashin, dhar iyo bustayaal

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *