Xukumadda Soomaliya oo mamnuucday isku imaatinka dadweynaha .
Dowladda Soomaliya ayaa manta mamnuucday isku imaatanka xilli kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya uu kordhay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo manta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba ogolaneyn isku imaatin, xilli kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya uu kordhay.
Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sida oo kale sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay dadka Soomaaliyeed badbaadadooda, isla markaana siyaasi dano gar ah leh uusan isku soo bixi karin waa sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb-galayay Barnaamij looga hadlayay xaaladda dalka ayaa sheegay in Go’aankii dowladda Soomaaliya ku mamnuucday isku imaatinka uu yahay sidiisii dadna isku imaan karin.
Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegya in dowladda Soomaaliya ay ogoshahay in siyaasiyiinta ka aragtida duwan uu mid walba tago tv-yada ka howlgalla dalka, halkaasna uu kusoo bandhigo aragtidiisa.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa kusoo aadaya xilli Midowga musharixiinta ay markale ku dhawaaqeen dibadbax Jimcaha soo socota oo taariikhdu tahay 26 Febaraayo lagu qabanayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.