Daneyayaasha waaxda waxbarashada oo baaq uu direen maamulayaasha iskuulada.

Daneyayaasha  waaxda waxbarashada ayaa waxay manta baaq xoogan uu direen maamulayaasha iskuulada kala duwan ee dalka .

Daneeyayaashani ayaa waxay ugu baaqayaan maamulayaasha iskuulada in ay si dhow ula shaqeeyaan ardayda ,macalimiinta iyo waalidinta si loo soo afjaro  dibadbaxyada iyo dhibaatooyinka ka jira iskuulada .

Daneyayaasha waaxda waxbarashada  oo warbaahinta kula hadleen degmada Ong’ata Rongai gudaha ismaamulka Kajiado ayaa waxay sheegeen in rabshadaha ay ardayda iskuuleyda ka geystan  ay ka dhalatay xiriirka xun ee ka dhaxeeyo macalimiinta iyo ardayda.

Daneyayaashani ayaa waxay carabka ku dhufteen in loogu bahan yahay maamulayaasha iskuulada in aysan caburin ardayda islamarkaasina ay xal uu raadiyaan cabashooyinka ay ka dhawaajiyaan .

Maamulaha iskuulka sare ee Nkaimurunya  Peter Kamau ayaa uu sheegay daneeyayaashani waxbarashada  in waalidinta iyo macalimiinta loogu bahan yahay in ay wanaajiyaan xiriirka  ay la lee yihin ardayda .

Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay waqooyiga deegaan barlamaaneedka Kajiado Joseph Manje  ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha siyaasadda in ay tuusalo wanagsan uu noqdaan ardayda oo ay joojiyaan hadalada kicinta ah iyo dhibaatooyinka ay geystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *