Dowladda Soomaliya oo farta ku fiiqday dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Dowladda Soomaliya ayaa mar kale sheegtay in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay xilligaan caqabad ku yihiin doorashada Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay ayaa carabka ku dhuftay in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay xilligaan caqabad ku yihiin doorashada Soomaaliya.
Wasiirka oo ka hadlayay Fadhiga Golaha Amniga ee QM ayaa ku eedeeyey Madaxda Puntland iyo Jubbaland in heshiisyadii, Muqdisho, Baydhabo ilaa Dhuusamareeb intaba ay caqabada koowaad ku yihiin labada Maamul.
Wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay la Shaqeeyqaan dowlado Shisheeye, sidoo kalena musharixiinta mucaaradka dhankooda ay yihiin kuwo dano gaar ah leh.