Dhaqaalaha Trump oo baaris xoogan lagu sameynaya.

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa waxay manta  oggolaatay in dacwad oogaha magaaladda New York la siiyo macluumaad buuxa oo kusabsan  dhaqaalaha madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, gaar ahaan diiwaanada la xiriira canshuuraha.

Amarka ay bixisay maxakamaddani ayaa ku soo aadaya iyadoo baaritaan lagu sameynayo Trump ee dhinaca dhaqaalaha  ay  dacwad oogeyaasha New York  sheegeen inay ku eegi doonaan dambiyo dhaqaale oo lagu soo eedeeyay, waxaana go’aanka Maxkamadda Sare uu niyad jab weyn ku noqonayaa madaxweynihii hore, maadaama uu in muddo ah diidanaa in la fasaxo galkiisa dakliga iyo canshuur celinta.

Garsooreyaasha oo aan macluumaad dheeraad ah ka bixin arrinkan waxay diideen codsigii Trump ee ahaa in la hakiyo xukunkii maxkamadda darajada hoose ee bishii Oktober 7-deeda in ganacsadahan noqday siyaasi ka tirsan xisbiga Jamhuuriga uu ku wareejiyo dhammaan macluumadka ku saabsan xisaabihiisa xeerbeegta maxkadmadda degmada Manhattan ee New York.

Donald Trump ayaa isna soo saaray bayaan uu ku sifeeyay in baaritaanka Vance uu yahay ugaarsigii ugu xumaad ee siyaasadeed ee taariikhda dalkan – waasida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga dimoqraadiga New York inay awoodooda ku bixiyeen hoos u dhiggida siyaassadda la loolameysa.

Shirkadda maamusha xisaabdka iyo macluumaadka dhaqaale ee Donalad Trump ee Mazars sidoo kale go’aankan amrayaa inay la shaqeyso dacwad oogeyaasha New York, waxaana afhayeen u hadlay shirkaddaas uu sheegay inay ka go’antahay fulinta waajibaadka sharciyadeed ee saaran.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *