Barlamaanka hoose ee Narok oo manta meel marinaya Biilka BBI-da .

Waxaa sii aad ah  looga War sugaya qaabka ay Wakiilada aqalka hoose ee ismaamulka Narok ugu codeyn donaan biilka Wax ka badalka dastuurka dalka ee BBI-da .

Wakiilada aqalka hoose ee BBI-da ayaa beri uu codeyn doona Biilka wax ka badalka dastuurka dalka ee BBI-da.

Aqalka hoose ee ismaamulkaasi ayaa Maanta shacabka ka qayb galiyay dooda biilka waxaana lagu wada in beri loo codeeyo biilkaasi.

Doodan oo Maanta lagu qabtay ismaamulka Waqooyiga Narok ayay shacabkii kaso qayb galay uu codeyeen isla markana wakiilada ugu baaqeen in ay beri uu codeyaan.

Hoogaamiyaha Wakiilada laga tirada badan yahay ee Narok Kosiom Ole Lemurt ayaa sheegay in Wakiilada aqalkasi ay diyaar uu yihiin in ay biilkasi baas mariyaan isla Markana ay baas marin lahaayen xita haddii aanan loo balan qaadin labada Milyan ee shilin.

 Laba isbuuc kahor ayay ahayd  markii uu  barasabka ismaamulkaasi Samuel Tunai ugu baaqay wakiilada aqalka hoose ee ismaamulkasi in ay uu coodeyaan Biilka BBI-da.

Ila iyo hada 12 ismaamul oo ay kamid tahay Nairobi ayaa baas maariyay biilka BBI-da iyada oo ismaamulka Baringo ay diiday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *