Waaxda cadaaladda ee dalka oo ka warbixisay guulaha ay gaartay afartii sano ee la soo dhaafay.

Waaxda cadaalada ee dalka ayaa sheegtay in 4-tii saano ee laso dhaafay ay aad uu hoos ugu dhigtay tirada kisaska Maxkamadaha yaala ee aan weli go’aan laga gaarin.

Arrintan ayay Waaxdu uu sabaabeysa ajandaha isbeddelka ee kor loogu  qaadayo bixinta adeegga ee  ay waaxda Xariga ka jaartay.

Kusimaha Madaxa Waaxda Cadaalada ee dalka Philomena Mwilu ayaa sheegtay in barnaamijka joogteynta Isbadalka Garsoorka oo xariga laga jaray 2017-ka uu aad hoos ugu dhigay kisaaska 5 saano iyo wax kabadan yaalay Maxkamadaha dalka.

Mwilu oo Maanta ka hadleysay Shirkii 8-aad ee Madaxda Xarumaha kala duwan ee garsoorka  ayaa sheegtay in Waaxda garsoorka uu xooga saaray addegsiga Teknolojiyada taasi oo sare uu qaaday bixinta addegyada garsoorka.

Kusimaha Madaxa Waaxda Cadaalada ee dalka Philomena Mwilu ayaa sheegtay in arrintan ay ku timid dadaalo badan oo ay kamid yihiin;balaarinta kaabayasha,in odayaal dhaqameedka laga qayb galiyo xalinta khilafaadka, u hoggaansamida aaladaha maaraynta waxqabadka iyo la xisaabtanka kuwaas oo kor u qaaday adeeg bixinta nidaamka garsoorka.

Mwilu ayaa sheegtay in Waaxda Garsoorka ay hirgalisay tilaabooyin looga hortagaayo musuqmasuqa isla Markana lagu xoojinaayo isla Xisaabtanka iyo dacaadniimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *