Macalin Jose Mourinho oo cadaadis xoogan la kulmaya .
Iyadoo natiijooyin liita ay soo foodsaartay Totenham , waxaa haaatan la halis gilinayaa mustaqbalka macalin Jose Mourinho ee White Hart Lane
Kooxda Tottenham ayaa ka sheeganeysay dhawaanaaan natiijooyin liita oo keenay in booska 7-aad u dhaadhacaan
Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in Tottenham ay isha ku hayaan macalinka kooxda Leipzig ee Julian Nagelsmann haddii Jose uusan wax ka badalin xaaladda kooxda todobaadyada soo socda.
Waxa uu wargeyskaas sheegayaa in Mourinho uu haysto 12 maalin oo uu isku bad baadin karo waxa ayna kooxda ka dib qaadaneysaa go`aanka la xariira mustaqbalkiisa.
Sidaas oo ay tahay Julian Nagelsmann ayaan loo badineyn in uu kooxdaas ka tagayo xilli ciyaareedka oo socda ,waxa ayna Tottenham ku qasbanaanayaan in ay sugaan inta xilli ciyareedka uu ka dhamaanayo.