Kulanka: Atletico Madrid Vs Chelsea

Naadiga  Atletico Madrid ayaa waxay manta   marti galin doonta kooxda Chelsea kulan adag oo ka tirsan wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.

Kulankan ayaa ka dhici doona garoon dhex-dhexaad ah iyada oo lagu ciyaari doono garoonka National Arena sabab la xidhiidha in aan xukuumada Spain ogolayn in la galo dalka.

Kulanka: Atletico Madrid Vs Chelsea

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: National Arena

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka tartamada yurub ee labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa ah kuwo isku dheeli tiran iyada oo koox walba badisay 2 kulan halka ay bar-baro galeen min 3 kulan.

Atletico Madrid ayaa badisay kulanka kaliya ee wareega bug baxa ah ee ay la ciyaartay Chelsea iyaga oo Semi-final-kii 2013/2014 garaacay Chelsea kulan labada lugood ku dhamaaday 3/1.

Kooxda Atletico Madrid ayaa gaadhay Wareega Bug Baxa champions League markii 7-aad 8-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay halka ay chelsea isku dayayso in ay dhaafto wareega 16-ka markii ugu horaysay tan ilaa 2013/2014.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *