Cudurka corona oo saameeyay hawlaha shirkadda duulimaadyada ee Kenya Airways.

Shirkadda duulimaadyada ee dalka Kenya Airways  ayaa manta sheegtay in todoobaadkiiba hal mar ay diyaaradaheeda duulimaadyo toos ah ku  taagi doonaan caasimadda New York ee Mareykanka .

Bayaan ka soo baxay shirkadda duulimaadyada ee dalka Kenya airways ayaa lagu sheegay in ay hoos uu dhacday tirade  macamiisha ee adeegsadaan diyaaradaha kenya airways ee duulimaadyada tooska ah ku tagaan  New York ee dalka Mareykanka .

Bayaankani ayaa sida oo kale lagu sheegay  in cabsida cudurka corona iyo xayiraadaha cudurka corona ay saameyeen howlaha shirkadda duulimaadyada ee dalka Kenya Airways iyadoo qorshaha uu ahaa in toddobaadkiiba labo mar ay diyaaradaha Kenya Airways  ay duulimaadydo toos ah ku taagan New York ee dalka Mareykanka .

Dhamaan macamisha adeegsanayaan diyaaradaha caalamiga ah ayaa laga doonaya inay haysta shahaado tusineyso in cudurka corona laga baaray oo laga waayey .

Madaxa fulinta ee shirkadda duulimaadyada ee dalka Kenya airways Allan Kilavuka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cudurka corona uu saameyey shirkadaha duulimaadyada ee caalamka .

Cudurka corona ka hor inta uusan calaamka ka dilaacin ayaa shirkadda KQ waxay toddobaadkiiba shan jeer ay duulimaadyo toos  ah diyaaradaheeda ku taagi jireen Magaalada New York ee dalka Mareykanka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *