Musharaaka shaqaalaha Kenya Airways oo hoos loo dhigay boqolkiiba 30

Maamulka shirkadda duulimaadyada ee dalka Kenya Airways ayaa sheegay in boqolkiiba 30 hoos loo dhigaya musharaadka shaqaalaha ee shirkaddaasi.

Maamulka Shirkadda Kenya airways ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in  caqabado  dhaqale oo ballaaran uu haysto shirkaddani islamarkaasina ay ku adkaani doonto in ay si buuxda uu bixiso musharaadka shaqaalaheeda .

Madaxa  fulinta ee shirkadda duulimaadyada ee dalka Kenya Airways Allan Kilavuka  ayaa sheegay in tallaabadani lagu yareynaya musharaadka shaqaalaha uu yahay mid lagu badbadinaya shirkaddani xilligani oo dalka uu ka jiro cudurka corona .

Mushaar dhimistani  ayaa bilaabaneysa bishani gudaheeda  ilaa waxay soconeysa ku dhawaad 12 bilood-ka ee inagu soo adaan .

Dhanka kale shirkadda  duulimaayada ee dalka Kenya Airways  ayaa qorsheyneysa in ay  diyaaradaheeda  bilaabayaan   duulimaadyada toos-ka ah ee ay ku tagi jirtay qeybaha kala duwan ee dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *