LAPSSET oo loo soo magacaabay agaasimaha cusub.
Maina Kiondo ayaa loo soo magacaabay sii hayaha xilka agaasimaha guud iyo madaxa fulinta ee waaxda horumarinta wadooyinka ee LAPSSET.
Maina Kiondo ayaa waxa uu xilka ka qaaday Agaasimihii guud ee hore ee maamulka LAPSSET Silvester Kasuka.
Maina Kiondo ayaa noqday Agaasimihii labaad maamulka LAPSSET tan iyo markii maamulkan la asaasay.
Masuulkan ayaa sido kale ahan jiray agaasimaha dhanka horumarinta wadadooyinka Waqooyiga ee wasaaradda bariga Afrika iyo horumarinta gobolka.
Waaxda horumarinta wadooyinka ee LAPSSET ayaa la filaya in ay soo gababayso dhimaha dekedda magaala xeebeedka Lamu, dhismaha waddada isku xireyso magaalooyinka Lamu – Gaarisa, hanashada dhulka ee wadada LAPSSET.
Aqoonyahankan cilmiga beeraha, Maina Kiondo ayaa ku taqaasuusay maareynta mashruucayada isaga oo noqday xubin ka tirsan Machadka maareynta mashruuca.