Manchester oo markii ugu horeysay Muddo 9 sano rikodh dhigtay
Kooxda Man United ayaa si buuxda ula wareegtay hogaanka horyaalka premier League kadib gushii ay ka gaadheen kooxda Burnley kulan baaqi u ahaa Premier League.
Gool uu dhaliyay Paul Pogba daqiiqadii 70-aad ayaa Man United kaga filnaaday in ay 3 dhibcood oo cadaan ah ku qabato horyaalka prmeier League.
Kadib guushaas Kooxda Man United ayaa boodhka ka jaftay shaqo ay qabatay 9 sano ka hor horyaalka Premier League
Kooxda Man United ayaa maalinta ku dhamaystay iyaga oo hogaanka u haya Premier Leageu markii ugu horaysay tan ilaa maalintii ugu dambaysay Sir Alex Ferguson xilli ciyaareedkii 2012/2013 markaas oo ay ku guulaysteen horyaalka.