Dowladda oo cabasha ka Muujisay ardeyda tirada yar ee skoolada kuso laabtay
Xooghayaha joogtada ah ee Wasaarada Dowladd Wadaajinta ee dalka Charles Sunkuli ayaa sheegay in 88 boqolkiiba ardeyda ismaamulka Bungoma aynan weli skoolada dib ugu soo noqaanin.
Xooghayaha ayaa sido kale sheegay in boqolkiiba 90 ardeyda skoolada dowladda aynan skoolada dib ugu soo laabanin tan iyo Markii skoolada la Furay.
Xoogayaha iyo guddomiyaha amaanka ee ismaamilkaasi Samuel Kimiti ayaa maamulayasha skoolada sekondariga iyo kuwa hoose ugu baaqay in ay soo gudbiyaan liiska ardeyda aan weli skoolada dib ugu soo laabanin sii ardeydaasi dabal gal loogu sameyo.
Xooghayaha ayaa dhanka kale sheegay in uu aad ula dhacay sida ay skoolada ismaamulkasi ugu hogansameen talloyinka Wasaarada caafimaadka ee ku aadan Xakameynta cudurka Covid-19.