2 kun oo qoys oo Garissa kunool oo heeli doona aymis Caafimaad oo bilaash ah

Ila iyo 2 kun oo qoys oo sabool ah oo kunool ismamulka Garissa ayaa ka fa’ideysan doono wajiga labaad ee barnaamijka caymiska Caafimaadka ee ay dowladda dhexe bixiso.

Xooghayaha dowladda hoose ee  ismaamulka Gariisa Abdi Sheikh, ayaa sheegay in barnaamijka soo xulida qoysaska uu  iminka socoto.

Xooghayaha oo ka hadlayay Xaflad sogootin ah oo loo qabtay Wasiirkii hoore ee Caafimaadka ee Garissa Ahmed Omar, ayaa sheegay in ismaamulka Garissa oo kaashanaya Waaxda ilaalinta bulshada ay bilaaben soo xulida dadka dan yarta ah ee barnaamijkasi ka  faideysan doono.

Barnaamijka Caysmiska caafimaadka ayaa ismaamulada dalka looga dhaqan galinaya waji waji iyaada oo hada uu maraayo wajigii labaad.

Dadka barnaamijkan ka faideysan doono ayaa Waxaa kamid ah dadka saboolka ah iyo kuwa nugul kuwaasi oo heeli doona caymis caafimaad oo bilash ah.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *