Wasiirka Japan iyo Madaxweynaha dalka oo Maanta kullan wada yeshay

Madaxweynaha dalka uhuru Kenyatta ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada kula kulmay Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Japan Toshimitsu Motegi.

Wasiirka ayaa intii uu soocday kullankii uu la qaatay Madaxweynaha sheegay sida ay japan uga go’an tahay in kenya ay uga caawiso dhanka Mashaaricda  horumaarka gaar ahaan mashaariicda muhiimka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha.

Motegi ayaa sheegay in dowladda japan ay maal gaalineyso Mashruuca ballaarinta Dakada Mombasa gaar ahaan garabka Dongo Kundu.

Wasiirka ayaa sido kale Madaxweynaha uga warbixiyay shirka japan iyo kenya ee ku saabsan ganacsiga kaasi oo dhamaadka sanadkan lagu wado in lagu qabto dalka japan Waxaa uuna Madaxweynaha uu sheegay in Raisul Wasaraha dalkasi japan uu caasumaad rasmi ah Madaxweynaha uu fidiyay.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa sheegay in kenya ay xariir dhaw la ledahay dowladda japan Waxaa uuna sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay in ay sii xoojiso Xariirkasi.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *