Raila oo dhalinyarada ugu baaqay in ay taageraan BBI-da

 

Hoogamiyaha Xisbiga Mucaradka ee dalka Raila Odinga ayaa sheegay in Warbixinta Mideynta kenyanka ee BBI-da ay tahay Xalka kama dambeysta ah ee dhibaatooyinka dalka haysta tan iyo Xiligii uu Madax banaanida qaatay.

Raila ayaa sheegay in Warbixinta oo lagu waado in dhawaan afti loo qaado ay Xal waara uu heeli doonto qabyaalada,Musuqmasuqa iyo Midnima la’aanta dalka ka jirta.

Raila ayaa sheegay in Warbixintasi ay sido kale fursad siin doonto Dumaarka iyo dhalinyarada kuwaasi oo  ka qayb qaadan doono dhisida dowladda iyo gaarida go’aamada masiiriga ah.

Hoogaamiyaha Xisbiga Odm raila odinga ayaa Maanta hadalkan ka sheegay dhismaha Ufungamano Halkaasi oo uu 800 oo dhalinyara ah kula kulmay

 

Raila ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in Xilka Madaxweynaha uu nooqdo Mid dhamaan qabiilada dalka ku wareega sii qabiil kasta uu mar Xilkaasi uu qabto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *