Wasaarada Caafimaadka oo shaacisay kisas horleh oo kusabsan cudurka Covid-19

Wasaarada Caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saac  ee laso dhaafay dalka laga helay 123 kiis kusabsan Cudurka Covid-19 kadib Markii cudurkasi laga baaray 4,948 ruux taasi oo tirade guud ee dadka Cudurka laga helay ka dhigeysa 98,555.

Wasaarada ayaa sheegtay in 111 kamid ah bukaanada cusub ay Kenyan yihiin halka 12-ka kalena ay ajaanib yihiin.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka mutahi Kagwe ayaa sheegay in bukaanka ugu da’da yar uu yahay Cunug hal sana jir ah halka Midka ugu da’da weyn uu yahay 85 jir.

Nairobi ayaa laga helay kisaska ugu badan iyada oo 62 kiis laga helay halka Nyeri laga helay 9 kiis EMBU, 8, Busia, 7, Narok 6 and Kajiado 5.

Wasiirka ayaa kenyanka ugu baaqay in ay uu hoogansamaan talloyinka Wasarada Caafimaadka ee ku aadan Xakameynta Cudurka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegay in 4 bukaan oo horleh ay uu dhinteen Cudurka Corona Virus-ka halka 412 bukaan oo horleh ay ka boogsooden Cudurka 24-kii saac ee laso dhaafay.

378 kamid ah dadka cudurka ka bogsooday ayaa guryaha joogay halka 34 kalena ay Cisbitaalada kujireen.

Tirada guud ee dadka Cudurja ka bogsooday ayaa gaartay 81,667.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *