Kooxda Juventus oo ka hadashay Weston McKennie
Kooxda kubadda cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa daboolka ka qaaday in haddii Weston McKennie uu diyaar u yahay inuu wajaho naadiga Inter Milan, kaddib dhaawac soo gaaray dhowaan.
Kooxda Juventus waxa ay xaqiijisay in Weston McKennie uusan dhaawaciisa muruqa ahayn, isla markaana uu diyaar u noqon doono kulanka ay wajahayaan Kooxda Inter Milan ee horyaalka Serie A Axaddda.
Xiddiga xulka qaranka Mareykanka ayaa lagu bedelay Aaron Ramsey kaddib 19 daqiiqo kulankii ay Juventus 3-1 kaga adkaatay Sassuolo, waxaana jiray suurogalnimo ah inuu laacibkani ka dhaawacmay muruqa.
Waxaa la filayaa inuu McKennie seegi doono kulanka wareegga 16-ka Coppa Italia oo ay wajahayaan caawa Genoa.
Yeelkeede, kaddib markii tijaabo lagu sameeyey McKennie ayaa dib ugu soo biiray tababarka buuxa ee kulankooda soo aaddan, waxaana uu diyaar u noqon doonaa inuu wajaho Inter Milan Axadda soo aaddan.