Wasiiro uu dhinteen cudurka corona dalka Malawi.

Wararka ka soo baxaya  gudaha dalka Malawi ayaa sheegaya in ay cudurka corona ay uu dhinteen cudurka corona  sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaas.

Wasiirka gaadiidaka Sidiiq Miyaa iyo wasiirka dowladaha hoose Lingson Percanyama ayaa u dhinteen  cudurka karoona Fayras.

Madaxweynaha dalkaas Lazarus Chakwira ayaa ku tilmaamay dhimashada labada wasiir mid khasaaro ugu filan dalka.

Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen laba wasiir iyo dhamaan shacabka, isagoo ku sifeeyay labadooda wadaniyiin qaali ku ah shacabka iyo dowladda Malaawi.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah oo ku saabsan u hogaansanaanta tallaabooyinka looga hortegaayo cudurka karoona fayras.
In ka badan 9 kun oo kiis ayaa laga diiwaan geliyay dalka Malaawi, waxaana u dhintay Karoona 235 qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *