Xukumadda Itoobiya oo digniin adag uu dirtay Sudan .

Xukumadda  Itoobiya  ayaa manta digniin adag uu dirtay dhigeeda Sudan waxayna sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal isku hayaan.

Hadalladani  digniintani  ayaa ku soo aadaya kadib markii lagu guul dareystay  dedaalo la doonayay in xal looga gaaro xiisadda ka taagan xadka labada dal.

Xiisadda oo mudod dhan 10 sano soo jiitameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Sudan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.

Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.

Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya ay dagaal geli doonta ayaa waxaa uu sheegay in marka hore ay wanaagsan tahay in diblomasiyadda ay shaqeyso. Wuxuu intaa ku daray in waxwalba ay dhamaad leeyihiin, isagoona ula jeeday in xallinta arrintan ee dhanka diblomaasiyadda ay tahay wax mudeysan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *