Madaxweyne Donald Trump oo xil ka qaadiis lagu sameynaya maanta .

Saraakiisha   Wakiillada Mareykanka ayaa waxaa lagu wadaa in sacadaha inagu soo adaan  ay ka doodaan xil-kaqaadista madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta ayaa qorsheynayaan in ay   xil-ka   xayuubinta Donald Trump u adeegsan doona qodobka ‘Hurin Rabshado’ kaddib marki Arbacadi hore ay taageerayaashiisa xoog ku galeen xarunta Koongareeska.

Rabshado ka dhashay ficilkaas ayaa waxaa ku dhinty shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta Koonagreeska ee Capitol Hill ee magaaladan Washington D.C.

Dhanka kale, saddex mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay taageersanyihiin in madaxweynaha Jamhuriga ah xilka laga qaado.

Mudanayaashan ayaa waxaa ugu caansan, haweeneyda la yiraahdo Liz Cheney oo laga soo doorto gobolka Wyoming. Liz ayaa ah qofka saddexaad ee ugu darajada sareeya xildhibaannada Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada.

Labada kale ayaa kala ah John Katko oo laga soo doorti New York iyo iyo Adam Kinzinger oo ah mudane laga soo doorto gobolka Illinois.

Mar uu shalay la hadlay wariyaasha, waxyar ka hor inta uusan u safrin gobolka Texsas, gaar ahaan dhinaca xadka Mexico si uu u booqdo darbiga halkaasi laga dhisayo, ayuu madaxweyne Trump diiday inuu qaato masuuliyadda wixi ka dhacay Aqalka Koomgareeska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *