Sergio Aguero oo seegi doono kulanka Brighton

Laacibka  weerarka uga ciyaara Man City ee Sergio Aguero ayaa seegi doona kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Brighton Arbacada sida uu Pep Guardiola xaqiijiyay.

Xiddiga reer Argentine aya seegay kulankii FA Cup-ka sabab la xidhiidha karantiil uu galay kadib markii uu xidhiidh la sameeyay qof laga helay xanuunk korona.

Arintan ayaa dhirbaaxo ku ah Xiddiga kaas oo dhawaan ka soo laabtay dhaawac jilibka ah sidoo kale mar kale ka dhaawacmay muruqa.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu ku jiraa Karantiil waxana uu u baahanyahay muddo 10 maalin ah sidaas darteed wuu seegi doonaa kulanka Brighton”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *