Qaar ka mid ah Qaandaraasleyda Garissa oo baaq uu direen Senetar Yusuf Hajji
Qaar ka mid ah qandaraasleyda countiga garissa ayaa ka cabanaya inaan weli lacago uga baxay mashaariicda ay fuliyeen .
Qandaraasleydani ayaa waxay sheegeen in ay lacag dhan 1.9 bilyaan ay ku lee yihin dowladda countiga garissa .
Qandaraasleydani ayaa waxay ugu baaqeen wasaaradda maaliyadda ee dalka in aysan lacagaha uu soo daynin dowladda countigaasi ilaa laga siinaya lacagahooda .
Qandaraasleydani ayaa waxay ugu baaqeen senetarka countigaas Yusuf Hajji in uu faragelin ku soo sameeyo arrintani islamarkaasina uu lacagtooda uga soo qaado dowladda countigaasi aad hoggaminaya gavana Ali korane .
Qandaraasleydani oo warbaahinta kula hadleen gudaha deegaanka Garissa ayaa waxay sheegeen in ay dhowr jeer isku dayeen in ay la xariiraan senetar Yusuf Haji balse ay ku guul dareysteen .
Sanadkii la soo dhaafay ayaa gavanaha countigaasi Ali korane wuxuu sheegay in dowladda aysan ku deg degaynin bixinta lacagaha deynta ah oo ay xukumadda ka dhaxashay dowladda ka sii horeysay .