Kenya oo manta laga helay kiisas cusub oo cudurka Corona.

Dowladda dhexe ee dalka ayaa waxay manta sheegtay in 968 oo qof oo dheeraad ah laga helay cudurka corona  kadib markii dad tiradoodu ay gaareyso 6,610 laga baaray cudurka corona ee 24-kii sacadood ee la soo dhaafay.

Tani ayaa waxay tirada guud ee  kiisaska cudurka corona ay ka dhigeyso  77,372 bukaan .

Wasaaradda  caafimaadka ee dalka ayaa warbixinteeda ay maanta soo saartay waxay ku sheegtay in kiisaska cusub ee manta la helay 888 ka mid ah ay yihin  kenyan halka 80 -kalana ay yihin ajaanibi .

584 ka mid ah bukaanadani cusub  ayaa ah rag halka 384 ay yihin dumar .

Bukaanka ugu yar ayaa  dhalan labo bilood halka bukaanka  ugu weyn uu jiro 91 sano sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda caafimaadka .

Countiga Nairobi ayaa  laga helay 421 kiis oo cudurka corona ,waxaa ku soo xiga countiga Mombasa oo laga helay 91 kiis oo cudurka corona , Kilifi 88, Busia 73, Kiambu 54  halka  Kajiado  laga helay 30 kiis oo cudurka corona.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 14 bukaan oo dheeraad ah ay uu dhinteen cudurka corona  taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa  1,380.

155 bukaan oo dheeraad ah ayaa ka sooo caafimaadeen cudurka corona 24-kii sacadood ee la soo dhaafay .

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 1,131 bukaan oo dheeraad ah ay ku jiraan isbitaalada kala duwan ee dalka  halka  7,023 oo bukaan lagu daryeelaya guryahooda .

63 bukaan ayaa ku jiraan qeybta xaaladaha deg dega ah ee ICU-da  sida  lagu sheegay warbixinta Wasaaradda caafimaadka ee dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *