Maxakamadda Meru oo ilbaabada loo laabay labo Toddobaad .

Wararka na soo garaya ayaa sheegaya in la joojiyiyey dhamaan  adeegyada  ay bixineysay maxakamadda Meru kadib markii  cudurka corona uu halkaasi ka dilaacay .

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxa cadaaladda ee dalka David maraga ayaa lagu sheegay in la joojiyey dhamaan adeegyada maxakamadda Meru 

Qaar ka mid ah shaqaalaha maxakamaddaasi Meru ayaa laga helay cudurka corona sida lagu sheegay wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxa cadaaladda ee dalka taasi oo sababtay in maxakamaddaasi ilbaabada loo laabo .

Amarkani ka soo baxay madaxa cadaaladda ee dalka ayaa si rasmi uu dhaqangalaya  laga bilaabo maalinta berito  ilaa wuxuu soconaya labada toddobaad ee inagu soo adaan .

Madaxa cadaaladda ee dalka David maraga  ayaa sheegay in maxakamaddaasi  ay dib shaqadeeda uu bilaabi doonto marka la dhameystiro baaritaanada cudurka corona  islamarkaasina ogoolasho laga helo wasaaradda caafimaadka ee dalka .

Dhanka kale madaxa cadaaladda ee dalka David maraga ayaa dhanka kale ogolaaday in  kiisaska deg dega ah lagu dhageysan karo  dhanka fogaan aragga  ah .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *