Dorosho ka dhaceysa dalka Burkina Faaso.

Codbixiyayaasha  dalka  Burkina Faaso ayaa  waxay maanta uu dareereen goobaha codbixinta si ay usoo doortaan madaxweyne uu dalkaasi yeesho, ayadoo ay jirto cabsi ka dhalatay weerarada kooxaha hubeysan ee Al-Qacida ku xiran ay ka geystaan gudaha dalkaas.

Musharaxiin dhowr ah oo ka mid yahay  madaxweynaha talada haya  Roch Marc Christian Kaboré, oo doonaya inuu mar kale soo laabto ayaa ololahooda soo gabagabeeyay xalay xilli dambe.

Wararka ka soo baxaya dalka  Burkina Faaso  ayaa sheegaya in madaxweyne Kabore  uu tartan adag kala kulamaya mushaarixin dhowr ah .

Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso, Blaise Compaoré oo dalkaasi ka maqan kana cararay sanadkii 2014-kii markaas oo lagu kacay ayaa ka mid ah musharaxiinta hadda doonaya inay xilka qabtaan.

Qiyaastii 400 oo kun oo ruux oo horay isku diiwaan geliyay ayaan hadda codeynayn sababo la xariira cabsi ay ka qabaan kooxaha hubeysan ee dalkaas ka dagaalama.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, inkastoo meelaha qaar aysan doorasho ka dhaceyn cabsida jirta awgeed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *