Maxakamadda gobolka Togheer ee maamulka Soomaliland oo dil ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf,

Wararka ka soo baxaya gobolka Togheer ee maamulka Soomaliland  ayaa sheegaya in manta maxakamadda gobolkaasi ay xukun dil ah ku xukuntay

Nin lagu Magacaabo Sakariye Cabdi Yuusuf, kaas oo la sheegay in lagu helay fal isugu jira kufsi & dil.

Ninka la xukumay ayaa loo heystaa fal kufsi iyo dil ah oo Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer loogu geystay 11-kii Bishii Oktoober ee sanadkan Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd Hooyo heysatay Saddex Carruur ah, sidoo kalena dhignayesay Jaamacadda Magaalada Burco.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa sheegay in, kaddib cadeymo iyo marqaatiyaal loo helay kiiska Ugbaad Cali falkaasi loogu xukumay dil toogasho Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay kiiskaas.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hray u sheegay in aan lag hari doonaan qofka lagu helo kiiskaas, isaga oo amray in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay.

Cabdinaasir Cali Cabdullaahi oo la dhashay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi ayaa horay u sheegay in walashiis six un loo dilay, kaddib markii dhulka Madaxeeda lagu garacaabay, sidaasina ay ku dhimatay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *