Madaxa Wadamada G-20 -ka oo maanta kulan yeelanayaan .

Madaxda 20-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa mar kale waxay  ballan-qaadayan si loo hubiyo in si caddaalad ah loogu qaybiyo tallaallada COVID-19, dawooyinka iyo tijaabooyinka adduunka oo dhan, sida ku xusan war-murtiyeed qabyo ah oo ay soo saareen,

Madaxda 20-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka  ayaa sida oo kale waxay sheegeen in ay garab siinayaan waddamada saboolka ah ee la daalaa dhacaya ka-soo-kabashada cudurka faafa ee coronavirus.

Cudurka faafa ee ‘COVID-19’, ayaa dhaqaalaha adduunka ku tuuray hoos u dhac aad u qoto dheer sannadkan iyadoo loo baahanyahay dadaalo dheeri ah si loo xoojiyo dib-u-soo-kabashada dhaqaale ee 2021, Arrinta ayaana ahayd kuwa ugu sarreeya ee ajandaha Shirkan.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa sheegay “Waxaan ku rajo weynahay horumarka laga sameeyay horumarinta tallaalka, qalabka daaweynta iyo qalabka baaritaanka ee COVID-19, laakiin waa inaan ka shaqeynaa abuurista xaaladaha helitaanka qalabkan oo la awoodi karo oo loo siman yahay dhammaan dadka Dunida oo dhan ayuu ku yiri khudbadiisii ​​furitaanka shirka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *