Madaxa xibsiga Ford Kenya Moses Wetangula oo baaq uu diray Madaxweyne Uhuru kenyatta.

Madaxa  xibsiga Ford Kenya Moses Wetangula ayaa manta baaq xoogan uu diray madaxweyne uhuru kenyatta iyo hoggamiyaha ODM Raila Odinga .

Madaxa  xibsiga Ford Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqay madaxweyne uhuru kenyatta iyo mudane Raila Odinga  in ay ka shaqeeyaan sidii xubnaha shacabka ay ku taageri lahaayeen warbixinta BBI-da islamarkaasina  ay meesha ka saaraan mad madowga   ku daboolan warbixinta BBI-da .

Mr Moses Wetangula ayaa sheegay in dib uu dhigidda  soo uruurinta saxiixyada wax looga baddalaya BBI-da ay tahay fursad  loogu bahan yahay in  madaxweyne uhuru kenyatta iyo Mudane Raila Odinga  ay ka faaiideystaan islamarkaasina ay xal uu raadiyaan qodobada lagu muransan yahay ee ku jiraan warbixinta BBI-da .

Madaxa  xibsiga Ford Kenya Moses Wetangula  ayaa baaqani uu diray madaxweyne uhuru kenyatta iyo Mudane Raila Odinga  kadib markii uu kulan uu la qaatay  madaxda xisbiga Ford kenya ee gudaha ismaamulka Uasin Gishu 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *