Caruur badan oo iskuuley ah oo xabsiga la dhigay .

Saraakiisha waaxda danbi baarista ee dalka DCI-da ayaa waxay xabsiga ku hayaan 44 caruur iskuuley  ah kuwaasi oo laga soo qabtay guri ku yaala Mountain View Estate ee caasimadda tan Nairobi.

Saraakiisha waaxda DCI-da  ayaa sheegeen in caruurtani iskuuleyda ah ee gacanta lagu soo dhigay ay  kala yihin 26 wiil iyo 18 gabdhood oo da’doodu uu dhaxeyso 14 sano  iyo 17 sano  ,waxayna kala dhigtaan iskuulada Primariga iyo Secondariga .

Saraakiisha DCI-da ayaa sida oo kale sheegeen in ay xabsiga  dhigeen haweeney lagu magacaabo Millicent Kithinji oo da’deedu tahay 41 sano islamarkaasina  caruurtani ku haysay gurigeeda .

War qoral ah oo ka soo baxay waaxda DCI-da ayaa lagu sheegay  in sida oo kale gacanta lagu soo dhigay noocyo kala duwan oo khamri ah iyo Xashiis badan .

Caruurtani iskuuleyda ah   ayaa la sheegay inay ka  kala yimaadeen magaalooyinka  Nairobi iyo Machakos.

Cidamada booliska  ayaa waxay xiriir la sameeyeen waalidiinta caruurtani dhaleen si loo ogaado sababta  haweeneyda ay  caruurtani ugu haysay gurigeeda .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *